Isbaheysiga Taageera Dawladda Yaman ayaa shaaciyay in ay qabteen oo ay burburiyeen diyaarad Drone ah oo ay maleeshiyada Xuutiyiinta lahayeen.
Jimcihii shalay Ciidamada isbahaysiga ayaa sheegay in ay burburiyeen gantaallo ballistic ah oo maleeshiyada Xuutiyiinta ay damacsanayeen in ay ku weeraraan Sacuudiga.
Sidokale Isbahaysiga ayaa sheegay in ay qabteen oo ay burburiyeen mid kamid ah diyaarad aan duuliye lahayn oo ay maleeshiyada Xuutiyiinta la damacsanayeen in ay ku weeraraan Sucuudiga.
Afhayeenka ciidamada isbahaysiga, Sarreeye Guuto Turki Al Maaliki, ayaa caddeeyay in xoogagga isbahaysiga ay ku guuleysteen subaxnimadii Jimcaha in ay ka hortagaan oo ay burburiyaan walxaha Qarxa (UAV) oo ay lahayeen maleeshiyada argagixisada Xuutiyiinta.
Maleeshiyaadkaa Xuutiyiinta ayaa dhawaanahan xoojiyay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo isugu jira kuwa qarxa iyo kuwa wax basaaso, taas oo ay horay u sheegeen guddi khubara ah oo ay u xil saartay Qaramada Midoobay in ay soo aruuriyaan waxyeelada qaraxyada Xuutiyiinta ee ay u adeegsadaan gantaalada iyo Diyaaradaha aan duuliyaha laheen.
Warbixin ay daabacday majaladda Newsweek, ayaa si cad u muujisa in Dawladda Iiraan ay u dirtay Xuutiyiinta, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone-ka.