Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo shir muhiim ah aaladda fogaan aragga uga qeyb galay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo shir muhiim ah aaladda fogaan aragga uga qeyb galay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeybgalay kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee Zoom-ka, kaas oo ay ka qeybgalayeen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Jesper Muller, sidoo kale waxaa ka qeybgalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin ,waxaana diiradda lagu saaray  ka hortagga askareynta carruurta ,

Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal galisay arimahaas, sidoo kale Wakiilada Qaramada Midoobay, UNICEF iyo UNSOM ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku ammaaneen dadaallada ay galisay ka hortaggga askareynya carruurta iyo fulinta heshiisyada caalamiga ah ee hore Soomaaliya u saxiixday,

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Sido kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xusay dhowr tallaabo oo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday ee ku aaddan hannaanka hirgelinta Qaraarkii UNSC ee 1612 (2005) oo ay ka mid tahay:-

  • Saxiixidda laba Qorshe Hawleed sanadkii 2012 ee kala ah joojinta qorista iyo adeegsiga iyo joojinta dilka iyo curyaaminta carruurta.
  • Bixinta Amarka Guud ee Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ee 21 Augosto 2017 si looga hortago qorista iyo adeegsiga carruurta iyo xadgudubyada kale ee waaweyn ee ka dhanka ah carruurta ee ay geystaan Ciidanka .
  • Saxiixidda Qorshaha hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee lagu joojinayo qorista iyo adeegsiga iyo sidoo kale dilka iyo curyaaminta carruurta ee ay geysteen Ciidamada  sannadkii 2019-ka.

Mas’uuliyiinta  Wasaaaradda Gaashaandhigga oo ka duulaya qodobka 29 aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya ayay Wasaaradda dadaal Xooggan galisay ka hortagga iyo wacyi-galinta Askareynta carruurta.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo amartay in la xiro goobaha waxbarashada

Next Post

Shir looga hadlayay xakameynta COVID-19 oo garoonka Aadan Cadde  ka dhacay “SAWIRRO”

Next Post
Shir looga hadlayay xakameynta COVID-19 oo garoonka Aadan Cadde  ka dhacay “SAWIRRO”

Shir looga hadlayay xakameynta COVID-19 oo garoonka Aadan Cadde  ka dhacay “SAWIRRO”

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In