Ka dib markii uu xalay wakhti dambe soo gabagaboobay shirkii magaalada Muqdisho uga socday ra’iisul wasaare Roobe iyo xubnaha Midowga Murashaxiinta ayaa Ra’isul wasaaraha waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay sii socoshada wada xaajoodyada xalka loogu raadinayo qabashada doorasho loo dhan yahay.
Qoraal uu soo dhigay Facebook ayuu, Maxamed Xuseen Rooble, waxaa uu ku yiri:
Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.
Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed xuseen Rooble.