Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka dalka, ka dib kulan xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen.
Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu madaxweyne Axmed Madoobe ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay sida ugu haboon ee looga gudbi karo caqabadaha ka jira qabsoomidda arimaha doorasho loo dhan yahay isla markaan heshiis lagu wada yahay.
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka wadatashiga ee arrimaha doorashooyinka looga hadlayo kaas oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.