Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Axmed Jaamac Xirsi

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
March 12, 2021
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Axmed Jaamac Xirsi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo maanta lagu aasay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, nabaddeynta, dib u heshiisiinta iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee xal u helidda dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

Related posts

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi waxa uu door weyn ka soo qaatay dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee dib u yagleelidda dowladnimadeenna iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna qeyb ka ahaa Wax-garadkii hoggaaminayey shirkii Carta ee sannadkii 2000”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Nuuradiin Axmed Caalin

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay salaadda janaazada AUN Cali Mahdi Maxamed + Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay salaadda janaazada AUN Cali Mahdi Maxamed + Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay salaadda janaazada AUN Cali Mahdi Maxamed + Sawirro

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

August 6, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda...

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

August 6, 2025
0

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo...

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

August 6, 2025
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In