Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ICJ oo bilowday dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 15, 2021
in Wararka
0
Maxkamadda ICJ oo bilowday dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhagaysiga dacwadda badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya ayaa si rasmi ah uga bilaabatay xarunta maxkamada caddaaladda Adduunka magaalada Hague ee dalka Holland, halkaasi oo ay ku suganyihiin wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo qareenada Soomaaliya u doodeysa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed  Guuleed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha dhagaysiga dacwada badda. ayaa sheegay in Soomaaliya lagu soo xadgudbay oo Kenya ay doonayso in badeena ay ku qaadato si sharci daro ah, taas badalkeeda dadka Soomaaliyeed ay kalsooni ku qabaan Maxkamada ICJ.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya, isagoo xusay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba codsan in dib loo dhigo Maxkamadda laakiin Kenya ay codsatay saddex jeer oo Maxkamaduna ay ka aqbashay, taasina ay muujinayso in sharciga lagu kala baxo aysan diyaar u aheyn.

Mudane Mahi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale tilmaamay in Kenya xataa ay hareermartay sharcigii u yaallay Maxkamadda oo aysan soo horjoogsan, iyadoo laga aqbalay in saddex jeer dib loo dhigo.

Intaasi kaddib waxaa bilaabatay in Qareenada Soomaaliya u doodaya ay bilaabaan hadal jeedintooda ku aadan caddeymaha ay ku difaacayaan Soomaaliya.

Miiska loogu tala galay in ay fadhiistaan ergada ka socoto Kenya ayaa ah mid maran , maadaama aysan soo xaadirin oo ay shalay sheegeen inay ka baxeen.

Dowlada Kenya ayaa diiday inay ka qeybgasho dhagaysiga dacwaddan maanta sida rasmiga ah uga bilaabatay Maxkamdda Caddaaladda Adduunka,  hase yeeshee Maxkamada ayaa go’aan ku gaartay inay sii waddo dacwadda maadaama Soomaaliya ay diyaar u tahay inay furto dacwadeeda.

 

 

Previous Post

Mas’uuliyiin tacsi ugu tegay ehelada Marxuum Cali Mahdi “SAWIRRO”

Next Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo jab xooggan loogu geystay deegaanka Hoosingoow “SAWIRRO”

Next Post
Maleeshiyada Al-Shabaab oo jab xooggan loogu geystay deegaanka Hoosingoow “SAWIRRO”

Maleeshiyada Al-Shabaab oo jab xooggan loogu geystay deegaanka Hoosingoow “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In