Wararka aynu ka helayno deegaanka hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay iska caabiyeen weerar maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku soo qaadeen bulshada deegaanka, taasi oo ka dambeeysay markii ay dadka ka biya diideen inay bixiyaan lacago baad ah oo ay argagixisada dul dhigeen.
Ku dhawaad 150 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaanka kuwaasi oo jab xoogan loo gaystay, aygoo goobta ka jiitay 3 dhaawac iyo sagaal dhimasho, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow Cabduqaadir Cumar Shire.
Dadka deegaanka waxaa weerarka uga dhaawacmay laba ruux, balse 24 neef oo geel ah ayay maleeshiyada Al-Shabaab laayeen.
Dadka deegaanka ayaa fashilay weerarka Al-Shababa ay ku soo qaadeen deegaanka Hoosingoow, waxaana shacabka deegaanka ay wajahayaan xaalad go’doon ah, tiiyoo ay u sii dheertay abaaro ku habsaday oo baa’biyay dalagyadii kala duwaanaa ee beeraha deegaanka, aydoo ay jiraan dhinaca kale xaalado biya la’aaneed oo haysta deegaanka.
Waddooyinkii ay dadka u soo mari lahaayeen gurmadka ayaa waxaa go’doomiyay maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo uga sii dartay xaaladaha Beni’aadannimo ee ay wajahayaan bulshada Hoosingoow.