Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed gaarsiisay Gobolka Gedo “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed gaarsiisay Gobolka Gedo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa deeq lacageed oo biyo dhaamin loogu sameynayo dadka ay saameeyeen abaaraha gaarsiisay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Ujeedka wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo ay wehlineysay Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ahaa ka jawaabidda saameynta ee abaaraha ku yeesheen nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka Gedo, waxaana markii ay gaareen magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo si diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay xarunta maamulka, halkaasi oo ay kulan kula qaateen waxgaradka iyo odoyaasha magaalada, ayaga oo ka dhageystay dhibaatooyinka ay abaaraha u geysteen dadka ku nool deegaannada gobolka Gedo.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socday dowladda Soomaaliya ayaa maamulka Garbahaareey ku wareejiyay lacag dhan boqol kun (100,000) oo dollar sido kale hey’adda Strong together ayaa dhankooda gaarsiiyay boqol kun (100,000) oo dollar, taa oo ay iska soo aruuriyeen qurba joogta Soomaaliyeed , waxaana lacagtaasi biyo dhaamin loogu sameen doonaa dadka degan meelaha fog fog ee abaarta ay saameynta ku yeelatay.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka ay dhibaato xoog leh u geysatay bulshada gobolka Gedo.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda ay gurmadkaan ugu talagashay inay uga jawaaabto baahiyaha dadka abaaraha ay saameeyeen.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusman Abuukar Dube ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in laga wada qeyb qaato gurmadka loo fidinayo dadka saameynta nololeed ay ku yeesheen abaaraha dalka ku dhuftay.

Gobolka Gedo ayaa ah halka ugu badan oo ay dhibaateeysay abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobolada dalkeenna, waxaana dowladda Soomaaliya ay gurmad u fidineysaa in ka badan 2,5 Milyan oo wajahaya macluul iyo gaajo ay sababtay abaarta ka jirta gobolada dalka.

Previous Post

Maxkamadda ICJ oo markale bilowday dhageysiga dacwadda baddeenna ee ay Kenya muranka gelisay

Next Post

Xukuumadda cusub ee Liibiya oo xilka la wareegtay

Next Post
Xukuumadda cusub ee Liibiya oo xilka la wareegtay

Xukuumadda cusub ee Liibiya oo xilka la wareegtay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In