Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed gaarsiisay Gobolka Gedo “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed gaarsiisay Gobolka Gedo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa deeq lacageed oo biyo dhaamin loogu sameynayo dadka ay saameeyeen abaaraha gaarsiisay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Ujeedka wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo ay wehlineysay Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ahaa ka jawaabidda saameynta ee abaaraha ku yeesheen nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka Gedo, waxaana markii ay gaareen magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo si diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026

Soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay xarunta maamulka, halkaasi oo ay kulan kula qaateen waxgaradka iyo odoyaasha magaalada, ayaga oo ka dhageystay dhibaatooyinka ay abaaraha u geysteen dadka ku nool deegaannada gobolka Gedo.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socday dowladda Soomaaliya ayaa maamulka Garbahaareey ku wareejiyay lacag dhan boqol kun (100,000) oo dollar sido kale hey’adda Strong together ayaa dhankooda gaarsiiyay boqol kun (100,000) oo dollar, taa oo ay iska soo aruuriyeen qurba joogta Soomaaliyeed , waxaana lacagtaasi biyo dhaamin loogu sameen doonaa dadka degan meelaha fog fog ee abaarta ay saameynta ku yeelatay.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka ay dhibaato xoog leh u geysatay bulshada gobolka Gedo.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda ay gurmadkaan ugu talagashay inay uga jawaaabto baahiyaha dadka abaaraha ay saameeyeen.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cusman Abuukar Dube ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in laga wada qeyb qaato gurmadka loo fidinayo dadka saameynta nololeed ay ku yeesheen abaaraha dalka ku dhuftay.

Gobolka Gedo ayaa ah halka ugu badan oo ay dhibaateeysay abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobolada dalkeenna, waxaana dowladda Soomaaliya ay gurmad u fidineysaa in ka badan 2,5 Milyan oo wajahaya macluul iyo gaajo ay sababtay abaarta ka jirta gobolada dalka.

Previous Post

Maxkamadda ICJ oo markale bilowday dhageysiga dacwadda baddeenna ee ay Kenya muranka gelisay

Next Post

Xukuumadda cusub ee Liibiya oo xilka la wareegtay

Next Post
Xukuumadda cusub ee Liibiya oo xilka la wareegtay

Xukuumadda cusub ee Liibiya oo xilka la wareegtay

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In