Maanta oo Talaado ah taariikhduna ay ku beegantahay 16-bisha ayaa waxaa mar kale dib uga billaabatay maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ee magaalada The Hague dhagaysiga dacwadda baddeenna oo ay muranka galisay Kenya.
Sidii shalay Kenya kama aysan ka soo qeyb-gelin dhageysiga garmaqalka hase ahaatee xubnaha dowladda Soomaaliya ku matalayay ayaa xaadir waxay ku ahaayeen gudaha maxkamadda.
Wafdi uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku sugan goobta ay ka socoto dhageysiga dacwadda, waxaana 100% la filayaa inay Soomaaliya ku guueleysato.
Kenya ayaa horay tiro kabadan sedex jeer uga codsatay maxkamada caddaaladda ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda balse Soomaaliya oo dhowreyso nidaamka caddaaladda dunida ayaa aqbashay, hase ahaatee balantii ugu dambeysay iyadoo saacado ay ka harsanyihiin Keyna ayaa sheegtay inaysan kasoo qeyb-gali doonin.
Dacwadda baddeena oo ay muranka galisay Kenya ayaa soo socday in ka badan 7 sano waana dhegeysigii ugu horeey iyo wareegii koowaad, Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta laheyd jadwalka garmaqalka waxaana sida qorshu yahay uu ku ektahay dhageysiga 24-Bishaan.