Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka 100-ka maalin ee Maamulka Gaalkacyo oo la soo bandhigay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka 100-ka maalin ee Maamulka Gaalkacyo oo la soo bandhigay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid mas’uuliyiinta  Maamulka  Degmada Gaalkacyoee ee Galmudug ay bulshada kula wadaagayeen  howlihii  maamulku ka qabtay magaalada 100kii maalmood ee maamulku shaqeynayay ayaa ugu horeyn lagu soo bandhigay waxyaabihii uu qabtay maamulku iyadoo muuqaal ah, kuwaas oo laga xusi karo  hagaajinta misaaniyadda dowlada Hoose, nidaamka maamulku ku shaqeynayo 4 ta sano ee soo socoto, wax ka qabashada bilicda magaalada, sida furidda wadooyin xirnaa dhismaha waddooyinka bur bursanaa iyo xoojinta amniga iyo wada shaqeynta maamulka degmada iyo laamha amniga, taas oo wax weyn ka badashay amniga iyo nabadgalyada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo Wasiirada Galmudug, saraakiisha ciidanka booliiska  iyo bulshada qeybahaooda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo isagu sharaxaad dheer ka bixiyay waxyaabihii maamulku uu ka qabtay, kuwaas oo qeyb ka ahaa balan qaadyadii uu ka dhawaajiyay xiligii ololaha doorashada, kuwaas oo ay ka mid aheyd amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay shirka u dhexeeyay xubnaha Mucaaradka iyo Dowladda

July 8, 2026

Shirka ayaa sidoo kale bulshadu su’aalo ku weydiiyeen duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo u badnaa tallooyin ku aadan howlaha maamulka horyaalla.

Gunaanadkii kulanka waxqabadka boqalka maalmood ee Dowladda Hoose oo ay ka hadleen Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa bogaadiyay waxqabadka muuqda ee ka jira Gaalkacyo iyo dadaalka maamulka cusub ee degmada uu wado.

Previous Post

Tanzania oo yeelatay madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay shirka u dhexeeyay xubnaha Mucaaradka iyo Dowladda

July 8, 2026
0

War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dalka ayaa lagu faahfaahiyay Wada hadal Muqdisho ku dhexmaray Dowladda iyo xubno...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS iyo mas’uuliyiin kale oo saxiixay buugga tacsida ee AUN Imaam Maxamed Yuusuf

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS iyo mas’uuliyiin kale oo saxiixay buugga tacsida ee AUN Imaam Maxamed Yuusuf

July 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka qeybgalay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika

July 8, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magaalada Sharma El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In