Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah Magaalada Dhuusamareeb kaga bilaawdey dhismaha Dugsiga umulisooyinka Gobolada Dhexe oo ay wax ka bartaan doonaan Haweenka doonaya aqoonta la xiriirta xirfadan muhiimka u ah Hooyada iyo dhalaanka.
Dhismaha Dugsigan oo ka koobnaan doona qaybo wax lagu baro Ardayda iyo guriyo ay jiiftaan ayaa dhulka laga hirgalinayo waxaa ku deeqday Dowlada Hoose ee Dhuusamareeb, iyadoo mashruuciisu yahay mid ku bilaabmaya iskaashi ay sameynayaan bulshada Deegaanka iyo Maamulkaba sida uu dhagax dhiga ka sheegay guddoomiyaha Dhuusamareeb ahna duqa Caasimada macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow.
Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Faafaale oo dhankiisa ka waramey kaalinta Ardayda iskuulkani ka baxda ay ku leedahay Caafimaadka bulshada ayaa xusey in ay qaadan doonaan kaalin wax ku ool ah inta dhismuhu socdo.
Ugu dambeyn wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ugu baaqey bulshada Waxbarashada jecel ee reer Galmudug in ay muruq iyo maalba isugu geeyaan ka miro dhalinta dadaalkan bilaawga ah ee lagu dhisayo Iskuulkan.
Dugsiga umulisooyinka xirfadeysan ee Galgaduud oo mudo dhowr sano ah ku shaqeynayay xarumo gaar loo leeyahay ayaa soo saara umulisooyin intooda ugu badan ka howlgasha isbitaalada Deegaanada Galmudug.