Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 125 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 50 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (62) Puntland (32) gobalka Banaadir (20) Jubbaland (9) iyo Galmudug (2) qof, 71 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 54-na ay yihiin haween.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,908 waxaa bogsootay 5,017 Ruux. guud ahaan 568 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

Previous Post

In ka badan 10 qof oo ku dhimatay dagaal qabiileed ka dhacay dalka Suudaan

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo Wasiirada dhigiisa ee dalalka Afrika uga warbixiyay xaaladda dhaqaale ee dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo Wasiirada dhigiisa ee dalalka Afrika uga warbixiyay xaaladda dhaqaale ee dalka “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda oo Wasiirada dhigiisa ee dalalka Afrika uga warbixiyay xaaladda dhaqaale ee dalka “SAWIRRO”

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In