Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil xigeennada iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan argagixisadda ay gaarsiiyeen weeraradii fulaynimada ahaa ee ay ku soo qaadeen Aw-dheegle iyo Bariire.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu Hambalyeeynayo dalacsiinta ay ku muteysteen Difaaca dadkooda, dalkooda iyo diintooda
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ay ugu go’antahay dib-u-dhisk, tayeeynta iyo dhiiragalinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waday dadaallo xooggan oo lagu dhiiragalinayo ciidamada si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.