Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah Wasiirada Koonfur Galbeed oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 10, 2021
in Wararka
0
Qaar ka mid ah Wasiirada Koonfur Galbeed oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Cadaaladda, Warfaafinta, Ganacsiga, Shaqada iyo Isgaarsiinta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta booqday isbitaalka Baydhabo oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG Koonfur Galbeed.

Wasiirada ayaa waxa ay mid mid u xog wareysteen dadka dhaawacyadu soo gaareen, si ay u qiimeeyaan xaaladahooda iyo nabarada soo gaaray inta ay gaarsiisantahay.

Related posts

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025

Sidoo kale waxay warbixino ka dhageysteen Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo iyo Saraakiisha Caafimaadka, waxayna ka dalbadeen in deg-deg loogu soo gudbiyo hadii ay jiraan dhaawacyo Xaaladdooda Caafimaad aan waxba looga qaban karin magaalada Baydhabo.

Ugu danbeyntii Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed, mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ku hadlay Afka Xukuumada iyo kan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay Baydhabo, isagoo caafimaad u rajeeyay intii dhaawacantay.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda waxaa qaraxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ku dhimatay 4 ruux, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 9 qof.

Previous Post

Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Sharciyeynta Beeraha “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In