Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed la qaatay Ciidanka ku sugan jiidda dagaalka ee Awdheegle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 12, 2021
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ciidamada xoogga kula dabaaldegay degmada Awdheegle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xuska aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kula qaatay Ciidanka Milatariga ee jiidda Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bogaadiyey guulaha isdaba jogga ah ee dhiiranaanta leh oo Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab iyo difaaca dalka oo ay u hurayaan dhiiggooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, srakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasakooda, carruurtoodaba iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

“Guulaha aad ka soo hooyneysaan furimaha dagaalka ee naf-hurnimada leh iyo sida aad u wiiqdeen tabartii argagixisada waxa ay ifaaflo wanaagsan ka bixinaysaa muuqaalka iyo qorshaha dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka oo si dardar leh u socda.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Taliska Xarunta Awodheegle, isagoo dul istaagay xaaladaha nololeed ee Ciidanka, kana dhageystay warbixinno Saraakiisha hormuudka ah oo la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kormeerkan ay ku weheliyeen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka iyo in ay nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed, Waxaanna adkeeyey in Xukuumadda ay mudnaan buuxda siineyso qoysaska iyo ubadka ay ka tageen, halka la xoojinayo daryeelka iyo goobaha caafimaad ee halyeeyada u waxyeelooba difaaca dalka.

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray xoojinta amniga “SAWIRRO”

Next Post

Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo soo dhaweeyey go’aan golaha shacabka uu maanta ka qaatay doorashooyinka Qaranka.

Next Post
Somalia’s Parliament votes to return elections to the people

Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo soo dhaweeyey go’aan golaha shacabka uu maanta ka qaatay doorashooyinka Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In