Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka uu taaba galineyo Bangiga IBS.
Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha 8aad ee Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 11- sano ah, kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka.
“Barnaamijkan mudane Wasiir waa markii 11aad ee ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, tartamayaasha kaalimaha hore ka gala tartanka sida ay caaddadu ahayd waxa ay heli doonaan abaal marino, waxaana sanadkan tartanka gacan naga siiyay oo taaba gelinaya bangiga IBS” ayuu yiri Agaasimaha Radio Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugu horeyn shacabka u diray hambalyo ku aadan bisha Ramadaan,
“Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ramadan Mubaarak, Kheyrka bisha Ramadan Alle hana siiyo, Alle waxaan ka rajeynayaa in uu qaluubteeno isu keen duwo, barmaamij 11 sano soo socday baahi weyn ayaa loo qabaa, waana bogaadinayaa”ayuu yiri Wasiir Dubbe.
Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu xusay in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo.
“Sida la sheegay tartan cilmiyeedka waxa uu yahay dood cilmiyeed aad u qiima badan, labo faa’ido ayuu leeyahay aqoon ayaa laga faa’iidayaa, cilmi ayaa laga kororsanayaaa iyo isbrasho intuba, waxaan rajeynayaa in sandkan uu ka sii tayo fiicnaano sanadihii hore”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
“Shacabka Gobolka Banaadir waxa ay ku suntanyihiin Nabadda, waxaan u mahadcelinayaa IBS oo sanadkan taaba gelineysa barnaamijka, IBS waxa uu ka midyahay sharkadaheena maxaliga ah, waxaa haboon inaan kobcino shirkadaheena, shirkad waliba shirkadda ay ka shaqaale badantahay, waa ay ka waxtar badanyihiin.waayo qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa ku tiirsan”.ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si rasmi ah u daah furay tartanka “Ugu dambeyn Barnaamijka sanadkan waxaan u rajeynayaa, sida ay Agaasimeyaasha sheegeen degmadii ku guuleysata waxa ay heleysaa abaal marin, waxaan rabnaa in siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada aan ku soo darno sanadkan tartanka, tartankana waa inoo furanyahay”
Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur