Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa si toos ah ula hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa uga booga dhayey walaac xooggan ee ay ka qabeen xaaladaha taagan, doorashada iyo mustaqbalka dalka.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay Dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa kobaca dimuqraadiyadeed iyo horumarka ay higsanayaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay caqabaddu noqotay faro gelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.

“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeed ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabk birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka sida .

 

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso Khudbaddii Madaxwayne Farmaajo ee xaaladda Dalka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda dalka iyo arrimaha Doorashooyinka

Akhriso Khudbaddii Madaxwayne Farmaajo ee xaaladda Dalka

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In