Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisaย 16aadย ahna kulanka koowaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Buur hakaba Vs Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangigaย IBS.
Tartameyaasha labada degmo eeย Buur hakabaย Vsย Kaaraan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Buur hakaba
Tartameyaasha Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Laboย suโaal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Shan ย suโaal, waxa ay ka faaโiideysteen Hal suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buur hakaba ay heleen waxay noqotay Lix ย (6) dhibcood.
Kaaraan
Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Saddex suโaal oo kaliya, waxa ay iska qaldeen Afar suโaal, waxa ay ka faaโiideysteen Labo suโaal oo soo hareermartay tartameyaasha Degmada Buur hakaba, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankiiย 16aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,ย ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 17aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Jilib iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir.


Sawir Qaade: Khadar Cali Nuurย












