Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 5, 2021
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 24aad ee wareegga Saddexaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Xamar weyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xamar weyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamar weyne

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddax su’aal, waxa ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar weyne waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 24aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 4aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 25aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Previous Post

Wasiirada Cadaaladda iyo Duulista Hawada oo kulan afur ah la qaatay ciidamada amniga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo soo dhaweeyey heshiiskii caawa la gaaray

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo dhameystiray heshiiska beelaha dega Xeeraale iyo Huurshe+Sawirro

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo soo dhaweeyey heshiiskii caawa la gaaray

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

August 11, 2025
0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In