Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso khudbaddii Madaxweynaha ee xeritaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 28, 2021
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka Dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada โ€œSAWIRROโ€
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Raโ€™iisul Wasaaraha iyo Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaannadaย  Labada Aqal ee Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida Madaxweyneyaashii Hore iyo Raโ€™iisul Wasaareyaashii Hore, Guddoomiyeyaashii Hore ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxweyneyaashii Hore ee Dowlad Goboleedyada,ย  Hoggaamiyeyaasha Ururrada Siyaasadeed, Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ay ugu horreeyaan culimaaโ€™udiinku, Ururrada haweenka iyo dhallinyarada, Wakiillada Beesha Caalamka, Bahda Saxaafadda iyo Baambayda
Dhammaan marti sharafta kale

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Waxa aan idinku salaamayaa salaanta Islaamka, Asalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Ilaahay baa mahad iska leh oo mar walba inoo suurtageliya kulamada noocan oo kale ah, khaasatan kulankan aan maanta isugu nimid oo ah gebogebada Wadatashigii Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo uu Raโ€™iisul Wasaaruhu hoggaaminayey, ayna qayb ka ahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sharaf bay ii tahay inaan idinkala soo qayb galo, idinkuna kulligiin aad ka soo qayb gashaan xafladdan aan ku soo xirayno wadatashigii guud oo aan ku gaareyney heshiis siyaasadeed doorasho. Waxa uuna inoogu dhammaaday guul.

Waxa aan leeyahay hambalyo. waxa aan u hambalyaynayaa ugu horrayn Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxa aad mudan tihiin bogaadin, waxa aad mudan tihiin sharaf, waxa aad mudan tihiin ammaan. Shaqadii adkayd oo aad qabateen, oo aan ognahay in ay muddo dheer soo jiitamaysey, dooddii adkayd ee aad soo gasheen dhowrkii beri ee aan soo dhaafnay, dulqaadkiinnii faraha badnaa iyo dadaalkiinnii dhaliyey inaad la timaaddaan isu tanaasul si dalku uu u aado doorasho loo dhanyahay oo raalli laga yahay, doorasho wadar oggol ah oo aynu kulligeen wada aqbalnay. Waxa aan leeyahay hambalyo mar kale.

Waxa ay ahayd guul weyn. Maaha guul innaga oo keliya inoo soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, taas oo hammigoodii iyo rejadoodii kor u qaadday. Waa inaan fahannaa dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan. Waxa ay doonayaan degenaansho, waxa ay doonayaan doorasho, waa ayna u diyaarsan yihiin. Runtii, Waa aan idiinkaga mahad celinayaa juhdigii aad geliseen in aad maanta ummadda Soomaaliyeed kaga farxisaan.

Waxa aan rabaa inaan mahad gaar ah u celiyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka hoggaamintiisii uu ku jiheeyey heshiiskan, sida uu u casuumay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, dadaalkiisii faraha badnaa iyo dhabar adaygii uu u dulqaatay dooddii dhinacyada ka imaanaysey. Intaas waxaa dheer nabad doonnimadiisii iyo sida uu ugu dhex jiro. Waa aad ku mahadsan tahay Raโ€™iisal Wasaare sida wanaagsan ee aad u hoggaamisay golahan wadatashiga ah.

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyaga waxa aan rabaa in aan la dardaarmo. Jidkan waa aan soo marnay, khibraddeedada waan leennahay. Waxaan idinka codsanayaa, ummadda Soomaalyeedna idinka codsanaysaa, sidoo kale Madaxdii halkan soo istaagtey idinka codsatay, in hawshan la idiin xilsaaray aad hore u dhaqaajisaan.

Doorashadan heshiis waa laga gaarey, balse waxa ay u baahan tahay hirgelin, waxa ay u baahan tahay dhaqan gelin iyo dhammaystir. Runtii masโ€™uuliyaddan idinka ayaa iska leh, idinka ayaa ay hadda idinku soo wareegtay. Aniga iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintayadu waa in aan idin baritaarno oo idiin ducayno, oo aan idiin kugu tufno, waana idiin barakaynay. Waxa aan idiin kugu ducaynay in hawshan Alle idiin fududeeyo oo doorashadani inoogu dhammaato si nabad ah, hufan oo xalaal ah, qofkasta oo muwaadin ah oo doonaya in uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegona aanu xuquuqdiisa idinka waayin oo aad u caddaalad samaysaan.

Waxa aan rabaa in aan hoosta ka xarriiqo qoondada haweenka. Dumarku waa laf-dhabarta bulshadeenna, waa hooyooyinkeen, waa xaasaskeenna, waa gabdheheenna. Waxaa loo baahan yahay in aad xuquuqdooda xaqiijisaan, oo kootada hadda ee boqolkiiba soddonka ah aad muujisaan inaan doorkan afartan gaarsiin karno, Haddii uu Eebbe yiraahdo.

Cafiska uu soo jeediyey walaalkay, Madaxweynahaygii hore ee aan saaxiibka nahay, Sheekh Shariif, waa aan la qaatay oo waan idin cafiyey, cafigiinana waan qaatay. Runtii, waa wax loo baahan yahay inaan ka gudubno. Sida uu sheeegay waa siyaasad waxani, balse maโ€™aha qof necbaysi, cafiskaasna Alle ha noo qaado, quluubteennana Eebbe ha wada geliyo iyada oo dhab ah.

Waxaa ballan inoo ah inaan u wada diyaar garowney doorashada, Insha Allah, doorashadani waxa ay ku dhammaan doontaa guul.

WASSALAAMU CALAYKUM.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 30 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro

Next Post
Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro

Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In