Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Gorgor oo tababar ku soo qaatay Turkiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Gorgor oo tababar ku soo qaatay Turkiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaalia Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxay garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyeen Cutubyo ka tirsan Ururka 7aad ee ciidanka kumaandooska Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga .

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga dalka Jeneraal Bixii ayaa sheegay in Dowladdu ay dadaal galisay dhismaha ciidanka Xoogga dalka, isagoo kaga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga go’antahay horumarinta iyo tayeynta ciidanka xoogga .

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in hanaanka qoridda kumaandooska gorgor si aad ah looga baaraan dagay, isla markaana ay yihiin ciidan Qaran  oo dadka, dalka iyo Diinta in ay difaacaan loo dhaariyay loona carbiyay.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa xusay in Wasaaradda Difaaca oo ka duuleysa tayeynta Ciidanka xoogga dalka dib-u-habeyn balaaran ay ku sameysay ciidanka ,

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa hore ugu guuleysatay tira-koobka ciidanka xoogga , waxaana socda dadaallo xoogan oo ciidanka xoogga ay ku wiiqayaan argagixisada ku dhuumaaleysaneysa qeybo yar oo ka mid ah qaar ka mid ah gobollada dalka.

Previous Post

Danjiraha JFS ee dalka Sudan oo la kulmay Raii’sul Wasaare Hamdok “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay in doorashada ay ku soo idlaatay si nabadgelyo ah

Next Post
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay in doorashada ay ku soo idlaatay si nabadgelyo ah

Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay in doorashada ay ku soo idlaatay si nabadgelyo ah

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In