Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ,Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Axmed Xuseen Macalin  “Gurey” ,Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen.Maxamed Tahliil Biixi ,Xubno ka Socday Gudiga Shaqaalaha Rayidka iyo Saraakiil kale oo ay bahwadaag shaqo yihiin Wasaaradda Difaaca ayaa ka qeybgalay munaasabad uu Xilka kula Wareegayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Xasan Siciid Samatar Gacaliye ,waxaana madasha ku sugnaa agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin.

Ugu horreyntii agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si qota dheer ugu hadlay waxqabadkiisa mudadii uu xilka hayay ,isagoo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu mahadceliyay sida kalsoonida ku jirtay ee loogu aaminay in uu ka mid noqdo Hoggaanka  laamaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ,isagoo u rajeeyay in agaasimaa cusub howsha halkeeda uu ka sii wado,

Related posts

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026

Intaasi ka dib waxaa la dhaariyay agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gaashaamdhigga Xasan Siciid Samatar Gacaliye , waxaana xilk uu si Rasmi ah ugu wareejiyay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda  ee dhawaan la soo Magacaabay ,intaasi ka dib ayaa loo dhaariyay Xilka Agaasimaha cusub ,waxaana uu goobta ka sheegay  in uu ka shaqeyn doono horumarinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Wasaaradda ,isagoo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda ,

Dhanka kale munaasanadda oo ay ku sugnaayeen Wasiir Xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayay madasha ka sheegeen sida loogu  baahanyahay in la horumariyo adeegyada dowliga ah ee Wasaaradda ay u heyso Ciidanka iyo Bulshadda .

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadlay munaasabadda ayaa Sheegay in Sunnaha Dowladnimada iyo Shaqada  tahay in Xilalka lagu kala Wareego ,isagoo u mahadceliyay agaasimihii hore ee Wasaaradda ,sidoo kale waxaa uu sheegay in looga baahanyahay Agaasimaha cusub in uu sii dardargaliyo howlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaradda Gaashaandhigga ,sidoo kale Masuuliyiinta DFS ayuu ku booriyay in la dhaariyo Mas’uuliyiinta Xilalka Dowladeed loo magacaabayo isagoo Xusay in Sharciga Shaqaalaha iyo Dastuurka KMG arrintaas ay qeexayaan.

Si kastaba Munaasbadda ayaa ku soo dhammaatay Jawi farxad ku dheehantahay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska

Next Post

Wasaaradda tamarta iyo biyaha XFS oo biyo dhaamin usameysay qosas barakacayaal ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda tamarta iyo biyaha XFS oo biyo dhaamin usameysay qosas barakacayaal ah “SAWIRRO”

Wasaaradda tamarta iyo biyaha XFS oo biyo dhaamin usameysay qosas barakacayaal ah “SAWIRRO”

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Laascaanood kula Kulmay Isimmada Dhaqanka Waqooyi Bari

August 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In