Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Fatahaadaha, Amniga iyo Fulinta Mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada Deegaannnada Hirshabeelle.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Ambassador Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya la wadaagay xaaladaha fatahaadda ee hada taagan iyo sidii loo caawin lahaa dadkii ku barakacay fatahaadaha Webiga Shabeelle oo ay ku barakaceen in kabadan toban kun oo qoys, sidoo kale kulankaan waxaa looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa xal u helida Arrimaha Fatahaadaha oo ku soo laab laabtay deegaannada Hirshabeelle.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa la iskula soo qaaday Dhismaha iyo tababaridda ciidamada booliiska, Daraawiishta, fulinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh bulshada sida Cusbitaalo iyo adeegyo kale oo muhiim ah iyo Dhismooyinka Garoomada Diyaaradaha magaalooyinka, iyagoo balan qaaday in sanadka cusub ay magaalada Beledweyne nooga dhisi doonaan Garoon Caalami ah.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taagerada ay dadka Soomaaliyeed la garab taaganyihiin, gaar ahaan shaqooyinka ay ka wadaan magaalada Beledweyne ee xarunta Ganacsiga Hirshabeelle.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo daah furay habka onlaynka ah ee diiwaangelinta iyo bixinta laysimada shirkadaha Ganacsiga “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar

Ra'iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In