Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ka daah-furay shirka Baahinta qorshaha Istaraatiijiyada 3-aad ee Xafiiska Difaaca xuquuqda Aadanaha ee Puntland “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ka daah-furay shirka Baahinta qorshaha Istaraatiijiyada 3-aad ee Xafiiska Difaaca xuquuqda Aadanaha ee Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daahfurka baahinta qorshaha istaraatiijiyada Saddexaad ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland waxaa kaloo ka soo qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Puntland, Guddiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqul aadana Puntland, Xubno ka tirsan Golaha Wasaaradda, Guddoomiyaha isutaga Ururada bulshada rayidka ah,Aqoonyahno iyo xeel dheerayaal dhanka xuquuqul insaanka ah wuxuuna ahaa shir u muhiim ah bahada xuquuqul insaanka Puntland.

Garyaqaan Siciid Cabdi Muumin Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqul aadanaha Puntland oo ka hadlayay furitaanka shirkaani ayaa tilmaamay Muhiimada iyo u jeedada Baahinta Qorshaha istaraatiijiyada Saddexaad Xafiiska Difaacaha xuquuqul aadanaha Puntland.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdacasiis Cismaan Cabdullahi ayaa dhankiisa Bogaadiyay shaqada Muhiim ka ah ee xafiiskaani iyo sida dhow ee uu la shaqeeyo hay’ada sharci dajinta Puntland.

Madaxda ururada bulshada rayidka ah ayaa dhankooda tilmaamay sida uu xafiiskaani uga qayb qaato u doodista dulmanayaasha iyo inta tabarta daran ee u baahan cadaalada.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland axmed Cismaan Cilmi Karaash oo shirkaani daahfurayay ayaa cadeeyay shaqada adag ee xafiiskaani iyo in uu qaatay kaalintiisii u qareemida dulmanayaasha ilaalinta sharciga iyo helida cadaalad lagu wada qanacsan yahay.

Xafiiska Difaacaha xuquuqul aadanaha Puntland ayaa ah Hay’ad dowli ah kana shaqaysa u doodista xuquuqda muwaadiniinta ,Diiwaan galinta Tacadiyada dhaca iyo ka talinta arimaha sharciga ah ee tabashooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo magacaabay Guddi heer Wasiiro ah oo ka tala bixiya xaaladda Gobolka Hiiraan

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga oo soo xiray tababar la xiriira sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin...

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KENYA):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya ayaa kulan ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kaas oo ay la...

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In