Tuesday, November 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Maanta Tababar ku Saabsan Illaalinta Xuquuqul insaanka Muqdisho ka Furay ”SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Maanta Tababar ku Saabsan Illaalinta Xuquuqul insaanka Muqdisho ka Furay ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Saraakiil ka tirsan Hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo qaar   ka mid ah Howlwadeennada Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaayia ayaa Muqdisho ugu Daah-furay Tababar la Xiriira Ilaalinta Xuquuqul insaanka , Tababarkan oo ay leheed agaasinkeeda Wasaaradda Gaashaandhigga XFS gaar ahaan Waaxda Xuquuqul insaanka , Jandarka iyo ka hortagga Askareynta Carruurta , ayaa Mas’uuliyiintii Furitaanka ka soo qeyb-galay Waxaa ka mid ahaa Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ,  Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Cabaas Amiin Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye .

Ugu horreyntii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo Daah-furka Tababarkan ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Mas’uuliyiinta ka soo qeybgalay kulanka  , isagoo Xusay in dhawaan uu Saxiixay Siyaasado kala duwan oo lagu hagayo  Waaxyaha Wasaaradda iyo  Hoggaanada CXDS ,  waxa kale oo uu sheegay in looga baahanyahay Saraakiisha iyo Xubnaha ka socda Wasaaradda ee ka qeybgalaya Tababarkan in ay  dhaqan-galiyaan Casharada ay ka bartaan Tababarkan oo uu tilmaamay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay ,

Related posts

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez oo kulanka ka hadlay ayaa Sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal ay galisay Dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga , Midowga yurub ayuu tilmaamay in diyaar uu u yahay garab  istaagga DFS si loo sii amba-qaado dhismaha Dowlad wanaagga .

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaaliya Gen. Cabaas Amiin ayaa  Wasaaradda Gaashaandhigga ugu Mahadceliyay dadaalka ay ugu jirto horumarinta iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya , waxa uu tilmaamay in  Taliska Xoogga dalka ay dhiira-galiyay in Haweenka ay ka mid noqdaan Hoggaannada CXDS iyo Saraakiishs CQS ,  Waxa uu tilmaamay in dadaal waqti dheer soo jiray yahay  dhiira-galinta gabdhaha , waxa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in Tababarada sare loogu qaadayo aqoonta Hoggaannada iyo saraakiisha Xoogga ka Codsanayaan Wasaaradda Gaashaandhigga XFS in ay kordhiso.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa wada qorshe Ballaaran oo lagu tayeynayo Hoggaanada iyo Howlwadeenada Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Tababarkan ayaa Socon donna muddo afar maalin ah Waxaana iska-kaashaday qabsoomidiisa Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub.

Previous Post

Xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda oo ka qeyb-galay shirka Wasiiradda Maaliyadda oo Jabuuti  ka dhacay “SAWIRRO”

Next Post

AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

Next Post
AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

November 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In