Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Maanta Tababar ku Saabsan Illaalinta Xuquuqul insaanka Muqdisho ka Furay ”SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Maanta Tababar ku Saabsan Illaalinta Xuquuqul insaanka Muqdisho ka Furay ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Saraakiil ka tirsan Hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo qaar   ka mid ah Howlwadeennada Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaayia ayaa Muqdisho ugu Daah-furay Tababar la Xiriira Ilaalinta Xuquuqul insaanka , Tababarkan oo ay leheed agaasinkeeda Wasaaradda Gaashaandhigga XFS gaar ahaan Waaxda Xuquuqul insaanka , Jandarka iyo ka hortagga Askareynta Carruurta , ayaa Mas’uuliyiintii Furitaanka ka soo qeyb-galay Waxaa ka mid ahaa Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ,  Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Cabaas Amiin Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye .

Ugu horreyntii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo Daah-furka Tababarkan ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Mas’uuliyiinta ka soo qeybgalay kulanka  , isagoo Xusay in dhawaan uu Saxiixay Siyaasado kala duwan oo lagu hagayo  Waaxyaha Wasaaradda iyo  Hoggaanada CXDS ,  waxa kale oo uu sheegay in looga baahanyahay Saraakiisha iyo Xubnaha ka socda Wasaaradda ee ka qeybgalaya Tababarkan in ay  dhaqan-galiyaan Casharada ay ka bartaan Tababarkan oo uu tilmaamay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay ,

Related posts

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

August 22, 2026

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez oo kulanka ka hadlay ayaa Sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal ay galisay Dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga , Midowga yurub ayuu tilmaamay in diyaar uu u yahay garab  istaagga DFS si loo sii amba-qaado dhismaha Dowlad wanaagga .

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaaliya Gen. Cabaas Amiin ayaa  Wasaaradda Gaashaandhigga ugu Mahadceliyay dadaalka ay ugu jirto horumarinta iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya , waxa uu tilmaamay in  Taliska Xoogga dalka ay dhiira-galiyay in Haweenka ay ka mid noqdaan Hoggaannada CXDS iyo Saraakiishs CQS ,  Waxa uu tilmaamay in dadaal waqti dheer soo jiray yahay  dhiira-galinta gabdhaha , waxa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in Tababarada sare loogu qaadayo aqoonta Hoggaannada iyo saraakiisha Xoogga ka Codsanayaan Wasaaradda Gaashaandhigga XFS in ay kordhiso.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa wada qorshe Ballaaran oo lagu tayeynayo Hoggaanada iyo Howlwadeenada Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Tababarkan ayaa Socon donna muddo afar maalin ah Waxaana iska-kaashaday qabsoomidiisa Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Midowga Yurub.

Previous Post

Xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda oo ka qeyb-galay shirka Wasiiradda Maaliyadda oo Jabuuti  ka dhacay “SAWIRRO”

Next Post

AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

Next Post
AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka...

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In