Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabado lagu weyneynayo xuska 1-da Luulyo oo ku beeagn 61- guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 1-da Luulyo sanadkii 1960-kii iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa ka socoto Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka.

Suxufiinta Warbaahinta Qaranka oo ku kala sugan goobaha ay ka dheceyso xafladaha ayaa ku soo waramaya in goobaha ay munaasabadda iminka ka socoto ay ka midtahy fagaaraha daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere oo ay soo buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sita calanka Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socoto xafladda 1-da Luulyo, halkaasi oo ay ku suganyihiin madax ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug, Maamulka Gobolka, kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha bulshada ee magaalada ku dhaqan, waxaana xafladda soo buux dhaafiyay dadweyne sita calanka Soomaaliya iyo halka kuwa kalena ay wajiyada ku xardheen calanka, taasi oo muujineysa sida ay bulshada ugu weyntahay xuska todobaadka xoriyadda.

Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa iyana ka socoto munaasabad tan la mid ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, xuno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo u taagan weyneynta maalinta qiimaha badan leh ee 1-da Luulyo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, isla markaana ah xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socoto munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu ka qeybgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka, fanaaniin, saraakiil ciidan iyo dadweyne aad u fara badan, waxaana madasha ka hadli doono mas’uuliyiin kala duwanm, kuwaasi oo ka sheekeynaya taariikhda iyo halgankii loo soo maray xornimada dalka.

Guud ahaan waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga goobaha ay ka socdaan xafladaha lagu weyneynayo xuska 1-da Luulyo oo ah markii Gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Gobollada Koonfur iyo Waqooyi.

Previous Post

Taliska ciidanka Booliska oo soo bandhigay rag loo haysto in falal burcadnimo ay ka geysanayeen Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka

Next Post
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In