Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo soo bandhigay xogta tuugo la soo qabtay iyo wiil u dhintay jir-dil

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Booliska oo ka warbixiyay qarax naftii halige uu ka fuliyay maqaaxi dad rayid ah ay ka cunteeyaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey wiil yar oo jir-dil uu u geystay Adeerkiis u geeriyooday 3-dii bishan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah tuugada moobeellada ka furata dadka shacabka ay ciidamada ammaanku ku soo qabteen ragku eedeysan dhacaas iyo hubkii ay wateen.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Afhayeenka ayaa sheegay in seddax ka mid ah ragaas lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Kaaraan, xilli ay ku howlanaayeen dhaca dadka shacabka ah ee degmadaas ku nool, waxaana la soo bandhigay hubkii ay ku dhacayeen iyo agabkii ay furteen.

Halka laba eedeysane oo kale, lagu soo kala qabtay degmooyinka Yaaqshiid iyo Cabdicasiis, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyagoo ku howlan dhaca shacabka degmooyinkaas, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Dhanka kale afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska Muscab Maxamed Xasan oo ahaa wiil 4-sano jir ah oo 3-dii bishaan u geeriyooday jir-dil uu u geystay Adeerkiis hooyadii qabay oo lagu magacaabo Xasankaafi Cabdi Jaamac.

Afhayeenka ayaa sheegay in baaritaan weli socda ay ku ogaadeen in Muscab uu Adeerkii u geystay jir-dil xoog leh, kaas oo sababay inuu Naqasku ku dhego, isla markaana uu geeriyoodo.

Previous Post

Wasaaradda Ganacsiga Galmudug oo Baarlamaanka horgaysay sharciga shirkadaha ganacsiga “SAWIRRO”

Next Post

Cidanka Talyaaniga ee qeybta ka ah Midowga Yurub oo deeq raashin ah ku wareejiyay Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya  “SAWIRRO”

Next Post
Cidanka Talyaaniga ee qeybta ka ah Midowga Yurub oo deeq raashin ah ku wareejiyay Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya  “SAWIRRO”

Cidanka Talyaaniga ee qeybta ka ah Midowga Yurub oo deeq raashin ah ku wareejiyay Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya  “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In