Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka oo doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka oo doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada Guddoonka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ay ku tartamayeen musharixiin gaarayay illaa Afar oo qaarkood xilal ka soo qabtay Dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ugu horeyn xubnaha codeynayay oo tiradoodu ahayd 21-ka xubnood loo sharxay sida ay wax u dooranayaan.

Doorashadan ayaa waxaa ugu horeyn ku bilaabatay tartanka xilka Guddoomiyaha oo uu ku guuleystay Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur oo helay 14-cod, halka uu Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko” oo la tartamayay uu helay 7-cod. sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha KMG ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dedban ee Soomaaliya, Axmed Saciid Samatar, “Shoodhe”

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Wasaaradda Qorsheynta oo loogu soo bandhigay Warbixinta afarta sano ee dowladda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Wasaaradda Qorsheynta oo loogu soo bandhigay Warbixinta afarta sano ee dowladda

August 18, 2026
Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

August 18, 2026

Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka oo ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Maxamed Ibraahim Barre iyo Axmed Yuusuf Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay ugu dambeyn Mudane Maxamed Ibraahim Barre oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo helay 15-cod.

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dedban ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa labaduba ka hadlay sida ay u arkaan xilalka loo doortay, iyagoo balan qaaday inay si cadaalad ah ugu adeegi doonaan bulshada, ayna si hufan u gudanayaan waajibaadka loo igmaday.

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo ka dooday sharciga qaadista qidmada iyo Ujuurooyinka Kalluumeysiga Galmudug

Next Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Next Post
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Wasaaradda Qorsheynta oo loogu soo bandhigay Warbixinta afarta sano ee dowladda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Wasaaradda Qorsheynta oo loogu soo bandhigay Warbixinta afarta sano ee dowladda

August 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa booqday xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

August 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka guddoomay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar...

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo 

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Gaalkacyo 

August 18, 2026
0

Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In