Saturday, September 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka oo doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 6, 2021
in Wararka
0
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka oo doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada Guddoonka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ay ku tartamayeen musharixiin gaarayay illaa Afar oo qaarkood xilal ka soo qabtay Dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ugu horeyn xubnaha codeynayay oo tiradoodu ahayd 21-ka xubnood loo sharxay sida ay wax u dooranayaan.

Doorashadan ayaa waxaa ugu horeyn ku bilaabatay tartanka xilka Guddoomiyaha oo uu ku guuleystay Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur oo helay 14-cod, halka uu Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko” oo la tartamayay uu helay 7-cod. sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha KMG ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dedban ee Soomaaliya, Axmed Saciid Samatar, “Shoodhe”

Related posts

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

September 13, 2025
Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

September 13, 2025

Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka oo ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Maxamed Ibraahim Barre iyo Axmed Yuusuf Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay ugu dambeyn Mudane Maxamed Ibraahim Barre oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo helay 15-cod.

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dedban ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa labaduba ka hadlay sida ay u arkaan xilalka loo doortay, iyagoo balan qaaday inay si cadaalad ah ugu adeegi doonaan bulshada, ayna si hufan u gudanayaan waajibaadka loo igmaday.

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo ka dooday sharciga qaadista qidmada iyo Ujuurooyinka Kalluumeysiga Galmudug

Next Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Next Post
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka warbixiyay shir uu uga qeyb galay dalka Morocco

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi ku...

Ciidanka Xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ciidanka Xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(CEELDHEER): Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud wali ka aruurinaya meydadka maleeshiyaadkii Khawaarijta ee shalay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In