Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo ka hadlay guulihii laga gaarey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo ka hadlay guulihii laga gaarey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay hannaanka loo maray cadaaladooda Shabakado ka tirsan Al-Shabaab oo Gaalkacyo lagu Maxkamadeeyay.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Mudane Cabdiladhiif Muuse Sanyare oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa xusay in dhagar qabayaasha Al-Shabaab ay ka shaqeeyeen isku dirka bulshada degan Gobolka, isagoo intaa ku daray in howlgalladu ay noqdeen kuwa guuleystay.

Related posts

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026

“Gobolka muddo sanad ah ayaan howlgal ka wadnay oo Al-Shabaab lagula dirirayay, runtii howlgallada waa ay guuleysteen intooda badan”. Ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Mudane Cabdiladhiif Muuse Sanyare Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa tilmaamay in haatan ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada, isla markaana 18 ka mid ah horjoogayaashii argagixisada la toogta 27kii June.

“Maxkamaddu dhawaan waxa ay xukuntay 8 ka mid ah Shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo magaalada la keenay 10 sano kahor, kuwaas oo loo saneeyay goobo ganacsi oo been abuur ah, waxaana ay u qaabilsanaayeen dhanka madax jebinta”. Ayuu yiri Guddoomiyuhu

Guddoomiyaha ayaa sheegay in labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug kala shaqeyn doonaan sidii guud ahaan Gobolka looga cirib tiri lahaa agagixisada Al-Shabaab, maadama haatan lagu guuleystay amniga magaalada Gaalkacyo.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Hobollada Waaberi kula dardaarmay dar-dargelinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Xabsiga Dhexe Gobolka Mudug ee Puntland oo baaq u diray bulshada Gobolka

Next Post
Taliyaha Xabsiga Dhexe Gobolka Mudug ee Puntland oo baaq u diray bulshada Gobolka

Taliyaha Xabsiga Dhexe Gobolka Mudug ee Puntland oo baaq u diray bulshada Gobolka

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In