Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan looga hadayay dardargelinta habsami usocodka howlaha Qaranka ay u hayaan la qaatey agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha.
Kulanka ayaa ugu horeyn lagu ansixiyey xeerka iskaashiga agaasimeyaasha guud ee wasaradaha oo uu horey usoo diyaariyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo la hadley agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha ayaa farey in shaqaalaha dowladda ay qaataan Talalka COVID-19 sidoo kale wxuu agaasimeyaasha farey in shaqaalaha loo fasaxay COVID-19 dartiis ay shaqada soo galaan.
Kulanka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa waxa u qeyb ka yahay kulamo bishii mar ay yeesheen agaaasimeyaasha guud.