Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka oo sheegtay in ay dhameystiri doonaan sharuucda lagu difaacayo xaquuqda dadka Naafada  ah. “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Haweenka oo sheegtay in ay dhameystiri doonaan sharuucda lagu difaacayo xaquuqda dadka Naafada  ah. “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim, oo ka hadashay xafladda daah-furka Hey’adda Naafada Qaranka ayaa sheegtay in shaqo badan la geliyay in maanta halkan la soo gaaro si loo helo Hay’ad u gaar ah arrimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba maadaama ay baahiyo badan qabaan.

Wasiir Xaniifa ayaa xustay in la dhameystiri doono shuruucda lagu difaacayo xuquuqda dadka naafada ah, waxaana ay intaa ku dartay in bulshada qaar takooreyaan dadka naafada ah, isla markaana loo baahan yahay in arrintaas meel looga soo wada jeesto.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Sidoo kale, waxay sheegtay in loo baahan yahay in xafiisyada iyo dhismiyaasha dowladda in loo sameeyo meelihii dadka naafada ah ka soo geli lahaayeen xarumahaas.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadaha Soomaaliya ayaa guud ahaan dadka naafadada ah ka codsatay in ay la shaqeeyaan xubnaha hey’adda, sidoo kalena hey’adaha iyo ururada kale in ay la shaqeeyaan hey’adda Naafada Qaranka.

Maxamed Jaamac Dhagaweyne, oo ah guddoomiyaha Hey’adda Naafada Qaranka oo ka hadlay munaasabadda daahfurka hey’adda ayaa sheegay in tiro koobka hadda la hayo ee dadka naafada ah ee Soomaaliyeed ay tahay 2.5 milyan, hase yeeshee tiradaas aan rasmi aheyn.

Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in shaqada hey’adda ay kamid tahay in la ogaado tirada rasmiga ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Previous Post

Wasaaradda Cayaaraha ee Puntland oo qalab isboorti ku wareejisay Maamulka Gobolka Sanaag “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Casimadda oo markale kulan la qaatay Wasiirka Diinta iyo Hey’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Casimadda oo markale kulan la qaatay Wasiirka Diinta iyo Hey’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada “SAWIRRO”

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In