Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada oo soo xiray shirka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee dhallinyarada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada oo soo xiray shirka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee dhallinyarada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa soo xiray shir looga hadlayey Siyaasadda Qaran ee dhalinyarada oo afar maalin ka socday Muqdisho.

Kulanka wadatashiga oo ay soo qaba qaabisay Wasaaradda dhallinyarada ayna ka qeyb galeen 25 Gabdhoob oo wax bartay ayaa madasha ku soo gudbiyay aragtidooda, caqabadaha jira iyo  waxa ay u arkaan xalka waara ee lagu horumarin karo gabdhaha Soomaaliyeed, taasi oo ay ku biiriyeen siyaasadda Qaran ee dhallinyarada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Qaar ka mid ah gabdhaha ka qeyb galay shirka ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin kulanka wada tashiga ah ee lagu casuumay, ayna ku biiriyeen wixii talo ah oo ay hayeen, ayna ka rajeynayaan Madaxda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya inay meel saarto xaquuqda gabdhaha Soomaaliyeed ee ku aadan ka qeybgalka hannaanka siyaasadeed iyo fursadaha shaqo ee dalka.

Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa oo soo xiray shirka ayaa sheegay in ay aad u yaryihiin fursadaha maanta ay haweenku ka heystaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan kuraasta la doorto iyo xilalka la magacaabo.

“Waan ku faraxsanahay inaan idinla kulmo sababtoo ah Wadanka marka aad fiirisid Gender-ka gabdhaha ayaan sheegayaa jaaniskoodu aad ayuu u yaryahay,  30% gabdhaha hadda waxa ay soo galeen siyaasadda waana fursad wanaagsan, jaaniska wadanka wuu jiraa, laakiin hal sheey ayaa idinka codsanayaa, waxkasta oo aad u aragtaan inay tahay qalad inaad ka hadli kartaa oo si toos ah, idinkoo dhaqankii ilaalinaya iyo idinkoo Diinta ilaalinaya inaad ka hadli kartaan” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Wadatashiga horumarinta Waxbarashada ee ka socda Garoowe oo galay maalintii labaad “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Wadatashiga horumarinta Waxbarashada ee ka socda Garoowe oo galay maalintii labaad “SAWIRRO”

Shirka Wadatashiga horumarinta Waxbarashada ee ka socda Garoowe oo galay maalintii labaad "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In