Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada oo soo xiray shirka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee dhallinyarada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 13, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada oo soo xiray shirka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee dhallinyarada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa soo xiray shir looga hadlayey Siyaasadda Qaran ee dhalinyarada oo afar maalin ka socday Muqdisho.

Kulanka wadatashiga oo ay soo qaba qaabisay Wasaaradda dhallinyarada ayna ka qeyb galeen 25 Gabdhoob oo wax bartay ayaa madasha ku soo gudbiyay aragtidooda, caqabadaha jira iyo  waxa ay u arkaan xalka waara ee lagu horumarin karo gabdhaha Soomaaliyeed, taasi oo ay ku biiriyeen siyaasadda Qaran ee dhallinyarada.

Related posts

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025

Qaar ka mid ah gabdhaha ka qeyb galay shirka ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin kulanka wada tashiga ah ee lagu casuumay, ayna ku biiriyeen wixii talo ah oo ay hayeen, ayna ka rajeynayaan Madaxda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya inay meel saarto xaquuqda gabdhaha Soomaaliyeed ee ku aadan ka qeybgalka hannaanka siyaasadeed iyo fursadaha shaqo ee dalka.

Wasiirka Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa oo soo xiray shirka ayaa sheegay in ay aad u yaryihiin fursadaha maanta ay haweenku ka heystaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan kuraasta la doorto iyo xilalka la magacaabo.

“Waan ku faraxsanahay inaan idinla kulmo sababtoo ah Wadanka marka aad fiirisid Gender-ka gabdhaha ayaan sheegayaa jaaniskoodu aad ayuu u yaryahay,  30% gabdhaha hadda waxa ay soo galeen siyaasadda waana fursad wanaagsan, jaaniska wadanka wuu jiraa, laakiin hal sheey ayaa idinka codsanayaa, waxkasta oo aad u aragtaan inay tahay qalad inaad ka hadli kartaa oo si toos ah, idinkoo dhaqankii ilaalinaya iyo idinkoo Diinta ilaalinaya inaad ka hadli kartaan” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Wadatashiga horumarinta Waxbarashada ee ka socda Garoowe oo galay maalintii labaad “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Wadatashiga horumarinta Waxbarashada ee ka socda Garoowe oo galay maalintii labaad “SAWIRRO”

Shirka Wadatashiga horumarinta Waxbarashada ee ka socda Garoowe oo galay maalintii labaad "SAWIRRO"

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb-galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carbeed

July 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cammaan...

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

July 10, 2025
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Shaqada...

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In