Sunday, April 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo maanta gaaray Ceel Barde “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo maanta gaaray Ceel Barde “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool,halkaa oo lagu soo dhaweeyay. Mas’uuliyiinta degmada,Odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo qeybaha bulshada ayaa qeyb ka ahaa dadweyne badan oo isugu soo baxay garoonka diyaaradaha ee ku yaal bartamaha magaalada.

Duqa degmada Ceel Barde,Haadi Siraad Cumar oo ka hadlay soo dhaweynta ayaa  Wasiir Cabdiwahaab uga mahadceliyay dadaalladiisa ka war-qab ee degmada iyo doorarkii uu ka qaatay horumarinta degmada.

Related posts

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa dhankiisa ku sheegay socdaalka uu ku soo gaaray degmada Ceel Barde inuu qeyb ka yahay imaatinkiisi is xig xigay ee degmada, si uu ugu kuurgalo xaaladda bulsho iyo deegaan.

“Halkan oo ah magaaladii aan ku dhashay iyo magaaladeydii imaatinkan wuxuu qeyb ka yahay sidii aan horeyba ugu imaan jiray, haddana waxaan doonayaa inan la kulmo bulshada, marka kale deegaanka arko si loo dardargaliyo dadaallada horumarinta ee deegaankan.” ayuu ku daray Wasiir Cabidwahaab Ugaas Xuseen.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee ganacsiga ayaa socdaalkiisa Arbacada maanta oo muddo afar cisho ah qaadanaya, waa markii u horreysay ee uu deegaan doorashadiisa dib ugu soo laabanayo tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 4tii bishii May ee sannadkan,iyadoo muddada Ceel Barde ku suganyahay uu kulamo la qaadan doono, maamulka, waxgaradka ,Odayaasha iyo qeybaha bulshada.

Previous Post

Guddigii uu  Ra’iisul wasaaraha dalka u xilsaaray dib uhishiisiinta Gobolka Gedo oo gaaray Magaalada Garbahaarreey

Next Post

Duqa Caasimadda oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Caasimadda oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho “SAWIRRO”

Duqa Caasimadda oo kormeeray qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho “SAWIRRO”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda...

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In