Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caaalamiga ah ee Aadan Cadde, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tegay Dalka Turkiga.

Soo dhaweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabeelle, Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka ee Baaramaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre iyo Xildhibaan Cabdifataax Caddow oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle in uu ka faa’iideysato rabitaanka ay u hayaan shacabka Hirshabeelle, isla markaana uu ka shaqeeyo horumarinta deegaannada Hirshabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, waxaana uu intaa ku daray in maalmaha soo socda uu dalka galayo doorasho, uuna Alle ka baryayo in uu si nabad ah ugu soo dhameeyo.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanka Qodqod “SAWIRRO”

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden oo si weyn ugu dabaal degay Ciidda Carafo “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden oo si weyn ugu dabaal degay Ciidda Carafo “SAWIRRO”

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden oo si weyn ugu dabaal degay Ciidda Carafo “SAWIRRO”

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In