Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka Sanadka dugsiyeedka 2020-2021, soona saartay amaro cusub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, waxaana ka qeyb galay Sanadkaan 34345 arday oo ku kala sugan goboladda dalka iyo Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in ay Wasaaradda Waxbarshadda mas’uuliyad iska saari doonto sidii loo hubin lahaa Tayadda iskuuladda bixiya Waxbarshadda Dugsiga Sare .

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in laga bilaabo Sanadka 2021-2022 Al-baabada la isagu dhufan doono iskuulada bixiya fasalka 3aad iyo 4aad ee Dugsiga Sare ee aanan laheyn Dugsi Sare oo rasmi ah sidoo kale Wasiir Cabdullahi Carab ayaa sheegay inay sii wadan karaan iskuulada Hoose, Dhexe koorsooyinka lagu dhisayo dadka ay kala wayn tahay da’adooda iyo waxbarshadooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ka hadlay goobta Imtixaanka lagu soo bandhigayay ayaa u mahad celiyay ardayda ka mira dhaliyay Da’daalkoodi kuwa kaalimaha hore galayna ee Dowladda Federaalka Somaaliya siin doonto deeq Waxbarsho heer jaamacadeed, sidoo kale Agaasimaha ayaa ku dhiiri geliyay ardayda aysan u suurta gelin in ay ka gudbaan imtixaanka in aysan niyad jebin wakhtigii dheeraa oo ay wax soo barteen ayna ugu harin 1 sano oo ay Imtixaan ka gudbi waayeen.

Wasaaradda Waxbarshadda ayaa Imtixaanka mideysan qaadeysa Sanadkii 7 aad oo xariir ah waxaana nasiib u yeeshay sandkaan in ay ka gudbaan Imtixaanka Qaranka arday gaareysa 30262 oo u dhiganta 87% halka ay dhaceen 4646 una dhiganta 13% waxaa nasiib wanaag ah in ay baaseen ardaydii ugu badneynd 3sano ee lasoo dhaafay .

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca Ireland “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso Natiijada guud ee Imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2020/2021

Next Post

Akhriso Natiijada guud ee Imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2020/2021

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In