Sunday, August 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska Gobolka Banaadir oo joojiyay dhismo sharci darro ah oo laga dhisayay qeybtii cabitaannada ee Hotel Taleex “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 22, 2021
in Wararka
0
Taliska booliska Gobolka Banaadir oo joojiyay dhismo sharci darro ah oo laga dhisayay qeybtii cabitaannada ee Hotel Taleex “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliska Qaybta guud ee  Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare  Farxaan Maxamuud Qaroole, Taliyaha Booliska Qaybta Waliyoow Cadde Kornayl Yaasiin Ganeey iyo Taliyaha Saldhiga ee Booliska Degmada Hodan Bashiir Durqan ayaa gabi ahaanba joojiyey dhisme sharci daro ah oo ku socday Hoteelkii Cabitaanada ee Taleex, kaas oo ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya.

Shaqsiyaadkii ku howlanaa dhismaha ay Dowladdu leedahay iyo shaqaale xiligaas gacanta kula jiray shaqada ayaa goobtaasi loogu tagay, waxaa ayna qaateen amarka ciidamada oo ahaa in ay joojiyaan dhismahaan maadama ay tahay denbi weyn iyo Qiyaano Qaran.

Related posts

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025

Gaashaanle Sare Farxaan Qaroole Taliyaha Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Banaadir oo Howlgalka hogaaminayey iyo saraakiishii kale ee lasocotay ayaa sidoo kale dhismaha ay joojiyeen warbixin ka siiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo uu wehlinayey Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Maxamuud Guuleed ( Cabdicasiis Africa)

Agaasimayaasha ayaa ku qancay howsha ay ciidamadu qabteen, waxaa ayna amar ku bixiyeen in laga feejignaado wixii hadda ka dambeeya dhisida Hoteelkii Taleex oo ah mid ka mid ah Guryaha Danta guud ee hoostaga Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaanba hantida Qaran ee ay Wasaaradu leedahay.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi lagu soo gaba gabeeyay howlgalkii maanta oo ahaa mid kamid ah kuwa lagu ilaalinayo Hantida Ummadda ka dhaxeysa ee mararka qaar la isku dayo in si gaar ah loo gacan togaaleeyo.

 

Previous Post

Akhriso Natiijada guud ee Imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2020/2021

Next Post

Kooxda Horseed oo ka adkaatay dhigeeda Dekadda, qarkana u saaran inay hanato horyaalka

Next Post
Kooxda Horseed oo ka adkaatay dhigeeda Dekadda, qarkana u saaran inay hanato horyaalka

Kooxda Horseed oo ka adkaatay dhigeeda Dekadda, qarkana u saaran inay hanato horyaalka

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee...

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir...

Maamulka Gobolka Banaadir oo hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo lagu taageerayo  gurmadka abaaraha gobolka Awdal

Maamulka Gobolka Banaadir oo hay’adda SODMA ku wareejiyay deeq lacageed oo lagu taageerayo gurmadka abaaraha gobolka Awdal

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa deeq lacageed oo dhan laba boqol kun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In