Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kullan xariga looga jarayay xurun cusub oo loogu magac daray Eco-Hub Somalia, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Daah Furkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Eco-Hub Soomaaliya ayaa noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee deegaan iyo bey’adeed ee nooceeda oo kale ka shaqeysa lagana hir-galiyo Soomaaliya, iyada oo u jeedkeedu yahay dhowrista kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada si loo abuuro jawi saaxiibtinimo bey’adeed, wacyigelin iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi ee wax u taraya deegaanka kuwaa oo u baahan dhiirigalin iyo maalgalin.

Sidoo kale waxay xaruntan tababaro ku aadan ka shaqeynta Nadaafada iyo Ganacsiyada yar yar kuwooda u wanaagsan deegaanka, soo saarista Cilmi-baarisyo ku aadan dhibootooyinka deegaanka, iyo yareynta shaqo la’aanta bulshada gaar ahaan dhalinyaradda iyo haweenka.

Agaasimaha Eco-Hub Somalia Cali Faarax oo ka hadlay munaasabada ayaa ku soo dhoweeyay xarunta ka qeyb galayaasha, isagoo xusay in xaruntaan deeegaan ay aasaaseyn dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada deegaan, qashin iyo shaqo la’aan ee heysato dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xaruntaan loo furay bulshada soomaaliyeed. Waxa kale oo uu sheegay in Eco-Hub Somalia ay soo kordhin doonto  howlo ay ku farxaan Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kalena dhiireglin iyo tababar ay siin doonto qof walba oo la yimaada hal- abuur ganacsi kaas oo la saaxiib ah deegaanka.

Dhamaan hal-abuurada qeybta ka ahaa bandhig carweedka ayaa mid mid madashada qudbado kooban ka jeediyay iyaga oo kaga sheekeeyay waxa ku dhaliyay hal-abuurkooda ganacsi ee deegaanka la saaxibka ah, sida ay ku hirgaliyeen iyo sida u shaqeeyo ganacsigooda iyo caqabadaha ku geedaaman hirgelinta hal-abuurkooda.

Hal-aburada ayaa tilmaamay muhiimada ay howlahooda ganacsi ku dhowrayaan deegaanka iyo shaqo abuurka ba’.

Hal-abuurada ayaa madasha ka sheeegay in ay caqabad ka heysato dhanka iska warqabid la’aanta ka dhaxeysa dhanka wax-soo-saarkooda iyo bulshada inteeda kale oo ay jirto ogaansho dari iyo dadka Soomaaliyeed oo wali ku baraarugsaneyn muhiimada ay leedahay in ay dib u iibsadaan walxaha la isticmaalay ka dibna tuuray in mar kale ay dib u iibsadaan una aisticmaalan si loo yareeyo qashimeynta magaalada iyo waliba dhowrista deegaanka.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo la wareegay fariisimo horleh

Next Post

Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Next Post
Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In