Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kullan xariga looga jarayay xurun cusub oo loogu magac daray Eco-Hub Somalia, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Daah Furkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Eco-Hub Soomaaliya ayaa noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee deegaan iyo bey’adeed ee nooceeda oo kale ka shaqeysa lagana hir-galiyo Soomaaliya, iyada oo u jeedkeedu yahay dhowrista kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada si loo abuuro jawi saaxiibtinimo bey’adeed, wacyigelin iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi ee wax u taraya deegaanka kuwaa oo u baahan dhiirigalin iyo maalgalin.

Sidoo kale waxay xaruntan tababaro ku aadan ka shaqeynta Nadaafada iyo Ganacsiyada yar yar kuwooda u wanaagsan deegaanka, soo saarista Cilmi-baarisyo ku aadan dhibootooyinka deegaanka, iyo yareynta shaqo la’aanta bulshada gaar ahaan dhalinyaradda iyo haweenka.

Agaasimaha Eco-Hub Somalia Cali Faarax oo ka hadlay munaasabada ayaa ku soo dhoweeyay xarunta ka qeyb galayaasha, isagoo xusay in xaruntaan deeegaan ay aasaaseyn dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada deegaan, qashin iyo shaqo la’aan ee heysato dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xaruntaan loo furay bulshada soomaaliyeed. Waxa kale oo uu sheegay in Eco-Hub Somalia ay soo kordhin doonto  howlo ay ku farxaan Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kalena dhiireglin iyo tababar ay siin doonto qof walba oo la yimaada hal- abuur ganacsi kaas oo la saaxiib ah deegaanka.

Dhamaan hal-abuurada qeybta ka ahaa bandhig carweedka ayaa mid mid madashada qudbado kooban ka jeediyay iyaga oo kaga sheekeeyay waxa ku dhaliyay hal-abuurkooda ganacsi ee deegaanka la saaxibka ah, sida ay ku hirgaliyeen iyo sida u shaqeeyo ganacsigooda iyo caqabadaha ku geedaaman hirgelinta hal-abuurkooda.

Hal-aburada ayaa tilmaamay muhiimada ay howlahooda ganacsi ku dhowrayaan deegaanka iyo shaqo abuurka ba’.

Hal-abuurada ayaa madasha ka sheeegay in ay caqabad ka heysato dhanka iska warqabid la’aanta ka dhaxeysa dhanka wax-soo-saarkooda iyo bulshada inteeda kale oo ay jirto ogaansho dari iyo dadka Soomaaliyeed oo wali ku baraarugsaneyn muhiimada ay leedahay in ay dib u iibsadaan walxaha la isticmaalay ka dibna tuuray in mar kale ay dib u iibsadaan una aisticmaalan si loo yareeyo qashimeynta magaalada iyo waliba dhowrista deegaanka.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo la wareegay fariisimo horleh

Next Post

Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Next Post
Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Dib u milicso wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 2 Sanno ka hor

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In