Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad ku saabsan Maalinta Cafiska oo lagu qabtay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Munaasabad ku saabsan Maalinta Cafiska oo lagu qabtay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee bartamaha Dalka ayaa caawa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalinta cafiska Soomaaliyeed, taasoo qeyb ka ah munaasabado ka dhacay Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo Gobalada Dalka qaarkood.

Munaasabadaan oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyarada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Galmudug, Saraakiisha laamaha Amniga Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareeb..

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026

Goobta ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo dhamaantood ku qotoma muhiimada ay leedahay 28ka June oo loo asteeyay maalinta cafiska Soomaaliyeed, iyadoo Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ay sheegeen in ay tahay maalin ay Xasuusan doonaan bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay ka joogaan Adduunyada.

Intii ay socotay munaasabadaan lagu xusayay maalinta cafiska Soomaaliyeed ee lagu qabtay Caasimadda Galmudug ayaa lagu soo bandhigay Gabayo, hadalo murti leh oo qeexaya dhibaatada ay leedahay Colaadda iyo xumaatada.

Axmed Cabdullahi Axmed, madaxa ololaha cafis ee Galmudug ayaa ka qayb-galayaasha uga mahadceliyay fahamkooda muhiimada maalintan.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa ku booriyay bulshada Galmudug in ay is Cafiyaan ayna meel iska dhigaan wax kasta oo la soo maray.

28 June 2018 ayaa ah maalinta loo Asteeyay ama loo aqoonsaday Cafiska Soomaaaliyeed, iyadoo munaasabado lagu weynaynayo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka iyo deegaannada hoos yimaada Maamulada qeybta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 42 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlglo ka wada Buulo-burte

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlglo ka wada Buulo-burte

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlglo ka wada Buulo-burte

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Galbarwaaqo ee gobolka Mudug, oo ka...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

April 28, 2026
0

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In