Monday, July 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo daahfuray qorshaha horumarinta Biyaha “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 3, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo daahfuray qorshaha horumarinta Biyaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daahfurka qorshahan oo Wasaaradda ay kasoo shaqeyneysay in muddo ah ayaa waxaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ku wehlinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimyaal iyo latilayaal katirsan Wasaaradda,  Iyadoo dhanka Fogaan Araga uga qayb galeen Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan , Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada ee biyaha iyo Tamarta qaar kamdi ah Wasaaradaha Xukuumada Federaalka iyo Hay’adaha taageera mashaariicda Biyaha.

Agaasimaha Waxaada Cabirka iyo Saadaasha Biyaha  Mudane Axmed Maxamed Xasan oo bilaawga kulanka daahfurka ka hadlay ayaa ka qaybgalayaasha uga warbixiyay marxaladaha iyo wadatashiyada uu soo maray qorshaha hormaribta kheyraadka Biyaha oo uu xusay inuu ka jawaabayo wax ka qabashada baahiyaha dhanka Biyaha ee heysta Bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeeray suuqa Bakaaraha

Duqa Muqdisho oo kormeeray suuqa Bakaaraha

July 21, 2025
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

July 21, 2025

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdirisaaq Maxamed Muxumed waxa uu sheegay in dhinacyada oo dhan looga baahan yahay inay Wasaaradda ka tagaeeraan  hirgelinta qorshahaan.

Wasiirada Biyaha iyo Tamarta Dowlad Goboleedyada iyo mas’uuliyiinta ka socday Wasaaradaha heer Federaal iyo hay’adaha wada shaqeynta la leh Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa taageeray qorshaha hormarinta kheyraadka Biyaha, iyagoona balanqaaday xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha iyo dhinacyada kale ee kala qayb qaatay diyaarinta qorshan oo uu sheegay inuu yahay mid Baahi weyn loo qabo.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xusay in hadda wixii ka dambeeyo Dowladda Soomaaliya ay leedahay qorshe cad oo xoogga saaraya hormarinta iyo ka jawaabidda baahiyaha dhanka Biyaha ah.

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo qaabilay Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal “SAWIRRO”

Next Post

Turning Puntland green by stopping erosion

Next Post
Turning Puntland green by stopping erosion

Turning Puntland green by stopping erosion

Duqa Muqdisho oo kormeeray suuqa Bakaaraha

Duqa Muqdisho oo kormeeray suuqa Bakaaraha

July 21, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

July 21, 2025
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba,...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah Shabeelleda dhexe

Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta

July 21, 2025
0

Waxaa jira digniino ku aadan halista kooxda Khawaarijta ah ay mar walba la maagan yihiin shacbiga Soomaaliyeed, waxaana loo baahan...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

July 20, 2025
0

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan Dublamaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qaybgalay xaflad aad u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In