Wasiir ku-xigeenka Wasaraadda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen Macalin ( Dr. Gurey) ayaa sheegay in lagu guuleystay daminta dab ka kacay qeybta dabdhalinta isbitaalka Demartino, isla markaana howlihii shaqo ee uu bulshada u yahay uu si caadi ah ku socdo.
Dr. Axmed Xuseen Macalin oo gaaray Isbitaalka ayaa sheegay in uu kormeeray qeybta uu dabka ka kacay, isagoo maamulka Gobolka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen daminta dabka.
“Waxaa saaka barqadii saacadu markay ahayd 10:00 am dab aan Khasaaro nafeed gaysanin ka kacay qeybta dabdhalinta Isbitalka Demartino, kaasoo dhashay kadib markii mid ka mid ah Motoorada dab dhalliyayaasha uu gubtay, waxaana sidoo kale gaaray Gurmadka degdega ah ee dabdamiska Gobalka Benadir iyo Shirkada BECO oo isla markiiba xaliyay dabkii kakacay, dibna u hagaajiyay korantada Isbitaalka iyo qaar ka mid ah dabqaadayashii waxyeeladu soo gaaray”. Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka caafimaadka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaraadda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay xaalada Isbitaalka uu yahay mid dagan, iyadoo adeegii Caafimaadna uu usocdo si habsami leh.