Daaliban oo ah koox argagixisa ah oo ka dagaalanta wadanka Afghanistan, ayaa la wareegay magaaladii 9-aad oo ah caasimad gobaleed, kuwaa oo si buuxda u la wareegay caasimada gobalka Badakhshan oo saaran xaduuda wadankaasi uu la wadaago Tajikistan.
Tan iyo jimcihii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka argagixiso Dalibanka la wareegeen Sideed magaalo madax oo gobalada dagaalada ka mid ah, iyadoo laga cabsi qabo in ay usoo gudbaan magaalada Kabul.
Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Mazar-i-Sharif ee waqooyiga dalkaasi, magaaladaasi oo ay hada go’adoon geliyeen kooxdan, waxaana saacadihii lasoo dhaafay halkaasi gaaray diyaarado sida gurmad ciidamo iyo sahay militari.
Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Maleeshiyaadk Daalibanka inay joojiyaan duulaanka ay wadaan, waxayna sidoo kale sheegeen in aan la aqoonsan doonin maamul uu Talibanka dalkaasi ka sameeyo.