Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqa ku jooga dalka Kenya ayaa bogaadiyay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ku matalaya Puntland oo maanta lagu qabtay magaalada Garoowe.
“Waxaaan Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka Sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay Xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor soo gudbinta liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo dhammaan Dowlad-goboleedyada kale kula dardaarmay in ay dedejiyaan howsha doorashada, maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.