Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaannada Xoolaha oo daah furay shirka wadatashiga Caymiska Xoolaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa furay Shirka wadatashiga Barnaamijka Caymiska Xoolaha oo loogu talogalay Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed

Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda u shirkan leeyahay,

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026

⦁          Muhimadda dhaqan dhaqaale ee Xoolaha Soomaaliyeed

Xoolaha Soomaliya waa lafdhabarka dhaqaalaha dalka waxaana noloshoodu ku tiirsantahay in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa ay qayb ka qaataan kororka wax soos saarka dhaqaalaha gudaha dalka (GDP) 60% isla markaana waxaa ka soo hoyata dhoofka xoolaha in ka baddan 80% lacagta adage e soo gasha dalka.

Xoolaha Soomaaliyeed waxay saldhig u yiiin xoolo dhaqatadeena reer guuraaga ah kuna nool miyiga iyagoo ka helo caano iyo hilib ee xagga nafaqada caruurta iyo haweenka iyo lacago kaash oo ay ku dabooshaan nolol maalmoodka iyo in ay ku soo iibsadaan raashinka daruuriga ah.

Wasaardda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daqqa, waxay ku guuleeysatay in markii ugu horaysay diyaariso muddo dheer kadib Straateejiyad guud oo muddo toban sano (2020 – 2030), taasoo ay gacan naga siiyeen Hay’adaha Bangiga Aduunka iyo FAO oo lagu horamarinaayo xoolaha Soomaliyeed, taasoo lagu soo gabagabeeyey dalka gudihiisa intii u dhaxeeysay 17-19-kii bisha Juun 2019.

Soomaaliya, wxaa Ilaheey ku manaystay xoolo gaaraya 56 Million oo neef oo iskugu jira Geel, Lo’ iyo Ari waxeeyna leedahay Geela ugu badan dunida kaasoo tiradiisu ay gaareeyso 7.1 Million oo neef.

Xoolo dhaqatada reer guuraaga ah (Pastoralists) iyo beeraleeyda yar yar ee xoolahana dhaqda (Agro-Pastoralists) waxaa lagu qiyaasaa isugeeyntooda in ka badan 7 Million taasoo ah kala bar shacabka Soomaaliyeed oo tiradiisa guud lagu qiyaaso 15 Million qofood.

⦁          Xoolaha iyo Cimilada is bedeshay (Climate Change).

Madaama reer guuraga uu u nugul yahay cimilada sida abaaraha, daadka iyo cudurada xoolaha ku dhaca laguna qiyaasoo in ka badan kala bar shacabka Soomaliyeed, taasi waxeey muujineeysaa in kala bar shacabka Soomaaliyeed uu khtar ugu jiro cimilooyinka is bed bdela ee dalka ka dhaca.

Mudooyinkii dambe Soomaaliya waxaa ku soo noq noqonayey abaaro is-daba jooga sida sanadihii 2016-kii iyo 2017-dii oo guud ahaan saameeysay xoolaha. Xoolaha ku dhamaaday abaarihii dhacay sanadihii 2016 iyo 2017 waxaa lagu qiyaasaa in ay ku dhinteen xoolo gaaraya in ku dhow 25%. Dhibaatada dhaqaale ee abaarihii dhacay sanadahaas waxaa lagu qiimeeyey in ka badan 1.6 Billyan oo doolar, markii lagu daro dhaqaalihii ku baaqaday dhoofka xoolaha waxaa lagu qiimeeyey 3.25 Bilyan oo doolor. Sidoo kale fatahaadihii dhacay sanadihii la soo dhaafay wax yeelada dhaqaale ee ay geeysteen waxaa lagu qiyaasaa 270 Million doolor.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Wasaardda Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyadoo ka duuleeysa wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha, fatahaadaha iyo cudurada xoolaha, waxeey dadaal dheer u gashay sandihii 2019-kiiiyo 2020-kii sidii ay ugu heli lahayd xal waara oo wax looga qabto arrimahaas, waxayna Bangiga Adduunka (World Bank) ka codsatay Wasaarddu in darasad lagu sameeyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo arrintaas, waxaana Hay’adda Cilmi Baarista Xoolaha ee Caalamiga ah (International Livestock Research Institute ILRI)) diyaarisay daraasad cilimyeeysan (Fusibility Study), taasoo ay ku soo bandhigtay qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo dhibatooyinka cimilooyinka, waana waxyaabaha shirkaan la idinku casumay looga hadli doono la idinkuna soo bandhigi doono waxaa ka mid ah fahfaahinta waxa ka soo baxay daraasaddan

 

 

Previous Post

Shirka Wasiirrada Boostada Adduunka oo soo dhammaaday

Next Post

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo soo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb

Next Post
Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo soo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka difaaca labada dal

May 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Difaaca...

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan la yeeshay...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In