Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa maanta Tababar ugu soo xiray magalaada Muqdisho ku dhowaad 50 shaqaale oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Gobalka Banaadir.
Tababarkan oo socday muddo 9 cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo kaashanaya taageerada Baanka Adduunka (World Bank) iyo Urur Goboleedka (IGAD).
Aqoon is-weydaarsiga oo ku saabsanaa Istiraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara 2020-2024 ee Qaab-dhismeedka Kormeerka iyo Qiimeynta Istiraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara waxaa tababarka ka faa’iideystay 43 qof oo ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Fedederaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Tababarka inta uu socday waxaa lagu bartay habka loo ururiyo, xogta iyo hannaanka loo falanqeeyo, qaabka xogta loogu taxliiliyo aaladda Software ka (RStudio) taas oo loogu loogu talagalay in kor loogu qaado aqoonta iyo awoodda xirfadda Kormeerka iyo Qiimeynta fulinta Istiraatiijiyadda Xalka Waara si looga gun gaaro barakaca baahsan ee waddankeenna.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay tababarkaan ayaa yiri “Waxaan awood-aqooneed fiican u yeelan doonaa sida loo sameeyo Kormeerka iyo Qiimaynta gaar ahaan Istiraatijiyada Xalka Waara. Sidoo kale, waxaan ku baranay habka loo aruuriyo xogta Kormeerka iyo Qiimaynta sida loo taxliiliyo, loo lafaguro loona turjumo si looga soo saaro xog saxan oo lagu go’aan qaadan karo”.
Agaasime Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa tilmaamtay in ujeeddada tababarka uu yahay mid kor u qaadaya awoodda Kormeerka iyo Qiimeynta Istaaraajiyadda Xalka Waara ee 2020-2024, Si xal waar loogu helo Barakaca baahsan ee dalka ee ay keenaaan duruufo badan oo ay ka mid yihiin; dagaalada sokeeye, abaaraha, daadadka iyo fatahaadaha.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa bogaadiyay shaqada baaxadda leh uu wado Xafiiska Xalka Waara, isla markaana maamulka goboleedyada kula dardaarmay shaqooyinka Xalka Waara in hoos loo daadajiyo heer degmo ilaa heer tuulo si loo ogaado shaqooyinka ka socda dalkeenna taas oo nagu jihaynaysa in si dhow loo la xisaabtamo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha barakaca dalka.