Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Qorsheynta oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka kala tirsan dowladda iyo maamul goboleedyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Qorsheynta oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka kala tirsan dowladda iyo maamul goboleedyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa maanta Tababar ugu  soo xiray magalaada Muqdisho ku dhowaad 50 shaqaale oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Tababarkan oo  socday  muddo 9 cisho  ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo kaashanaya taageerada Baanka Adduunka (World Bank) iyo Urur Goboleedka (IGAD).

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Aqoon is-weydaarsiga oo  ku saabsanaa Istiraatiijiyadda  Qaran ee  Xalka Waara 2020-2024 ee Qaab-dhismeedka Kormeerka iyo Qiimeynta Istiraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara waxaa tababarka ka faa’iideystay 43 qof  oo ka kala socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Fedederaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Tababarka inta uu socday  waxaa lagu bartay habka loo ururiyo, xogta iyo hannaanka loo falanqeeyo, qaabka xogta loogu taxliiliyo aaladda Software ka (RStudio) taas oo loogu  loogu talagalay in kor loogu qaado aqoonta iyo awoodda  xirfadda Kormeerka  iyo Qiimeynta  fulinta  Istiraatiijiyadda Xalka Waara si looga gun gaaro barakaca baahsan ee waddankeenna.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iideystay tababarkaan ayaa yiri “Waxaan awood-aqooneed fiican u yeelan doonaa sida loo sameeyo Kormeerka iyo Qiimaynta gaar ahaan Istiraatijiyada Xalka Waara. Sidoo kale, waxaan ku baranay habka loo aruuriyo xogta Kormeerka iyo Qiimaynta  sida loo taxliiliyo, loo lafaguro loona turjumo si looga soo saaro xog saxan oo lagu go’aan qaadan karo”.

Agaasime Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa tilmaamtay in ujeeddada tababarka uu yahay mid kor u qaadaya awoodda Kormeerka iyo Qiimeynta Istaaraajiyadda Xalka Waara ee 2020-2024, Si xal waar loogu helo Barakaca baahsan ee dalka ee ay keenaaan duruufo badan oo ay ka mid yihiin; dagaalada sokeeye, abaaraha, daadadka iyo fatahaadaha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa  bogaadiyay shaqada baaxadda leh uu wado Xafiiska Xalka Waara, isla markaana maamulka goboleedyada kula dardaarmay shaqooyinka Xalka Waara in hoos loo daadajiyo heer degmo ilaa heer tuulo si loo ogaado shaqooyinka ka socda dalkeenna taas oo nagu jihaynaysa in si dhow loo la  xisaabtamo  hay’adaha  ka shaqeeya arrimaha barakaca dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga iyo Nadaafadda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 254 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In