Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
August 19, 2021
in Wararka
0
Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo toban sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan oo ay qaban qaabadeeda haatan ka socoto xarunta Ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyoone ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir Taariikhi ah oo aad u qoto dheer, iyadoo wixii ka dambeeyay Qarnigii 16aad oo ay meela badan oo Dunida ah ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).

Cilaaqaadka labada dal ayaa wiiqmayay markii ay meesha ka baxday  Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay curatay Jamhuuriyadda Turkiga Sanadkii 1923 kii, wuxuuna Turkigu xiriir qunyar socod ah la samaysay Soomaaliya Sanaddii 1979-kii, isagoo Muqdisho ka furtay Safaarad.

Xiriirka labada dal oo ahaa mid hoose ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay July 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Ra’iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro ba’an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

Abaarta xilligaas dalka ka taagnayd ayaa loo aqoonsaday tii ugu darnayd ee Soomaaliya ku dhufatay muddo 25 sano ah, iyadoo lagu qiyaasay in intii u dhaxaysay May yo August sannadkii 2011 waxay gaartay 30,0000 iyo xoolo tiro beel ah , sida ay xaqiijisay hay’adda beeraha QM ee FAO.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu Soomaaliya u noqday walaalka dhabta ah ee garabka u ah Shacabka iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirraday inuu indhahiisa ku arko lana qiiroodo xaaladda ay dadka ku sugnaayeen.

Dowladda Turkiga waxay dalka ka hirgeliyay xarumo quudin, goobo caafimaad iyo xarumo waxbarasho, waxayna dib usoo nooleysay kaabayaashii dhaqaalaha iyo xarumihii dowliga ahaa, taas oo si weyn usoo kabtay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu mudane Erdogan ku garab istaagay dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo dalka ka hirgeliyay saldhig lagu taabaro Ciidamada.

Wuxuu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba ku bixiyay tayeynta iyo qalabaynta Ciidamadeenna, iyagoo gudaha dalkiisa ka sameeyay dugsiyo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Wuxuu Turkigu ku caawiyay Ciidamada Soomaaliya qalab casri ah iyo gaadiid fara badan oo ah isugu jira midka gaashaaman iyo noocyada xamuulka.

Madaxwyne Recep Tayyip Erdogan iyo mas’uuliyiinta dalkiisa ayaa wacad ku maray inay si hagar la’aan ah u garab istaagayaan Soomaaliya heer walba iyo waqti kasta isla markaana ay yihiin walaalka koowaad ee ay caalamka ku leeyihiin.

Haddaba munaasabad ku aadan xiriirka baaxadda leh ee Soomaaliya iyo Turkiga ee manta ka socota Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay qudbado Taariikhi ah ka jeediyaan mas’uuliyiinta labada dal ee walaalaha ah.

Previous Post

Ciidanka xoogga Dalka oo hawglo looga sifaynayo Argagixisadda Al-shabaab ka wada gobolada dalka

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo Shir-Guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo Shir-Guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo Shir-Guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In