Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daalibaan oo dagaallo looga qabsaday degaanno ay dhawaan gacanta ku dhigeen

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Daalibaan oo dagaallo looga qabsaday degaanno ay dhawaan gacanta ku dhigeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamo daacad u ah xukuumaddii xilka wareejisay ee Afghanistan ayaa Jimcihii kooxda argagixisada ah ee Daalibaan dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii.

Warbaahinta bulshada ee taabacsan Maleeshiyada Daalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxayna  sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Daalibaan ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen, iyaga oo intaa ku daray  in arrinkan ay dhabarjebin ku tahay  cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan.

Related posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026

Sargaal lagu magacaabo Cabdul Xamiid, oo kamid ah Sarakiisha hogaamineeyso koox  lamagacbaxday kacdoonka ka dhanka ah Daalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadooda ay qarka u saaran yihiin in ay gacanta ku dhigaan degmo kale, iyaga oo wacad ku maray in ay qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in maleeshiyada Daalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Amrullah Saleh oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Afghanistaan  uu ku dhawaaqay inuu abaabulayo ciidan xooggan oo iska caaybiya Daalibaan, kuwaa oo uu ka wado gobolka uu ka soo jeedo ee Panjshir.

Previous Post

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in uu maanta ka furmaya Muqdisho

Next Post

Itoobiya oo beenisay eedeymo uu markale Maraykanka u soo jeediyay

Next Post
Itoobiya oo beenisay eedeymo uu markale Maraykanka u soo jeediyay

Itoobiya oo beenisay eedeymo uu markale Maraykanka u soo jeediyay

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In