Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddi Wasiiro ah u saaray baarista fal ciidamada AMISOM ay ku dileen dad rayid ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 21, 2021
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa u yeeray safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, isagoo guddi heer Wasiir ahna u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi lagu dilay dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali Karin in la dhibaateeyo muwadiniinta Soomaaliyeed.

Related posts

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025

“Xaqiiqdii waa arrin fool xun oo aad iyo aad aan uga danqanay hadaan nahay Dowladda Soomaaliyeed, waxaa halkan igu soo booqday Safiirka Dowladda Uganda iyo taliyaha Sector-ka, iyagoo arrintii tacsi iigu yimid halkan, iyagana waan u sheegay, shacabka Soomaaliyeedna waan u sheegayaa waana ku soo celinyaa, marna aqbali meyno, raalina kama nihin in shacabka Soomaaliyeed dhib loo geysto, haday tahay ciidamo AMISOM, Haday tahay ciidamado Soomaaliyeed, shacabka Soomaaliyeed waa lama taabtaan, haddi gacan ka gardaran ay wax u geysatana anaga ayaa diyaar ah inaan u istaagno, naloona igmaday inaan xaqooda u istaagno”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Waalidiinta Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii falkaasi ku nafwaayay.

“Waxaan magacaabay guddiga Wasiiro ah, Wasiirka Amniga, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Cadaaladda oo beri halkan ay kula kulmi doonaan Safiirka iyo Taliska AMISOM, arrintas ayayna ka hadli doonaan, Insha Allah waxaan rabaa in baaritaan lagu sameeyo sida ugu dhaqsiyaha badana lagu jawaabo, waxna looga qabto, safiirka iyo Taliyahana way ii sheegeen in dadkii falkaasi geystay gacanta lagu hayo, Maxkamadna la saarayo, sidaasi darteed anagana waan dabagaleynaa, wixii ka soo baxana gadaal ayaan idinkala soo sheegeynaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

 

Previous Post

Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan

Next Post

Akhriso War-saxaafadeedka Daahfurka qaadashada Tallaalka ka hortaga COVID-19 ee Shaqaalaha Dowladda

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Akhriso War-saxaafadeedka Daahfurka qaadashada Tallaalka ka hortaga COVID-19 ee Shaqaalaha Dowladda

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In